Kadib weerarkii Al-Shabab, waa sidee Xaaladda Villa Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sare loo qaadey heerka feejignaanta Ciidamada Ilaalada qasriga Madaxtooyadda Soomaaliya, kadib weerarkii Al Shabaab ee Habeenkii Jimcaha lasoo dhaafay ka fulisay wadada hormarta Villa Soomaaliya.

Wadooyinka gala xarunta Villa Soomaaliya ayaa la dhigay Ciidamado dheeraad ah, iyadoo aad loo hubinayo gaadiidka ay wataan Mas'uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo Xildhibaanada ee ka gudbaya baraha Koontaroollada.

Koontaroolada yaalla Sayidka, Tiyaatarka iyo afaafka Beerta Nabadda, ayaa lagu arkayaa Ciidamada Koofi gaduudka loo yaqaano, iyo Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah, waxaana ay u diidayaan baabuurta dadweynaha inay u gudbaan dhanka Villa Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Wasaaradda Amniga ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Ciidamada lagu amray in si aad ah u hubiyaan Gaadiidka ay saaran yihiin Askarta, maadaama raggii hubaysnaa ee Jimcihii weerarka fuliyay ay ku lebisnaayeen dareeska Booliska.

Al Shabaab ayaa weerarkii Jimcihii ku sheegtay mid ay ku qaadey Villa Soomaaliya [Aqalka Madaxtooyadda], oo ay degan yihiin Madaxaweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xarunta Nabad Sugida ee Habar-Khadiija.

Weerarka oo isagu jiray labo qarax iyo dagaal toos ah oo qaatey mudo ku dhaw 3 saacadood ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof, oo shacab u badan, waxaana lagu soo beegay maalin kadib markii la magacaabay Taliye-yaasha Booliska iyo NISA.

Muqdisho ayaa xasiloonayd mudadii ay Booliska iyo NISA ahaayeen Taliye-yaal la'aanta tan iyo markii xilalka laga qaadey Madaxdii hore bishii October ee sanadkii tagey wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe ee ay ku dhinteen 512 qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM