Kal-fadhiga lixaad ee barlamanka Federaalka oo maanta furmaya

Image

April 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta furo kal-fadhiga lixaad ee Barlamanka Soomaaliya.

Ajandeyaal muhiim ah ayey mudaneyaasha barlamanku kal-fadhigan uga doodi doonaan, waxaana kamid ah kuwo badan oo khuseeya higsiga 2016.

Xeerarka sida gaarka ah diiradda loo saarayo waxaa kamid ah: xeerka doorashooyinka, xeerka axsaabta iyo xeerka la-dagaalanka argagixisada.

Kal-fadhigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka hawl badan kuwii hore, maadaama waqtiga dowladda u dhimani kooban yahay shaqooyin badanna ay harsan yihiin.

Fadhigii kan ka horreeyey waxaa barlamanka hareeyey khilaaf siyaasadeed iyagoo u kala jabey labo garab, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal Wasaarihii kalsoonida laga laabtey ee Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM