Kalfadhigii 8aad ee Barlamanka Somalia oo furmey

Image

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Kalfadhigan oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamanka ka hor doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furay Kalfadhiga Sideedaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana noqonaya kii ugu dambeeyay ee Baarlamanka ka hor doorashada dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkan. 

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo khudbad ka jeediyay Baarlamanka ayaa sheegay in go’aanada ka soo abxa shirarka socda ee salka ku haya doorashada dalka ugu dambayntii la horkeeni doono xildhibaanada si ay u ansixiyaan. 

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlay fadhigga baarlamanka, ayaa ku baaqay in dowladda ay baarlamanka hor keento nidaam cad oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2016-ka. 

VOA

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM