​Keating oo la kulmay Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa Kulan u muuqday inuu ahaa mid sagootin ah Villa Somalia kula qaatey Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid.

Keating waxaas shirkaas ku wehelinayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM Arrimaha Xuquuqul Insaanka Andrew Gilmour, oo booqasho ku joogo Muqdishu.

Ujeedka Booqashada Keating ee Villa Somalia ayaa waxay ahayd inuu Xasan Sheekh ugu mahadceliyay sidii uu u aqbalay guul-daradii Doorashada, una fududeeyay in awood si Nabad ah lagula kala wareego.

Waxa uu sidoo kale uu ugala hadlay Xasan Sheekh Sheekh Munaasabada Xil-wareejinta oo la filayo inay dhacdo Todobaadka soo socda, iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa Doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Dhanka kale, Keating ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxa'ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad Cabdalla, oo uga mahadceliyay kaalintooda Doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub ee Somalia Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay booqasho ku tagay Villa Somalia, isagoo kulan la qaatay Xasan Sheekh, oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan Xil-wareejinta.

Mudane Farmaajo ayaa hadda si KMG ah u degan Jazeera Palace hotel, halkaasi oo kusii sugnaan doono inta uu si rasmi ah ula wareegayo awoodda dalka iyo xafiiska Villa Somalia Todobaadka soo aadan.

Shaqada ugu horeyso ee laga sugayo Madaxweynaha cusub ayaa ah inuu wax ka qabto Abaaraha ka taagan dalka iyo amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM