Xildhibaan Barre: Al-shabaab ergo ayaan u direynaa waana la hadlaynaa

Image

March 14, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la furaan ururka Al-shbabaab.

Xildhibaan Barre oo boqollaal dadweyne ah kula hadlayey goob fagaare ah, wuxuu sheegay in haddii ay suurogal tahay ay Al-shabaab kala hadli doonaan inay joojiso weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto.

"bannaanka naga mara, haddaad rabtiin duqey iyo culimaa'uddiin iyo siyaasiyiin ayaan idiin soo direynaa, waan idiin imaaneynaa noo sheega meshaad joogtiin" Xildhibaan Barre ayaa sidaas yiri, wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata raaciyey  " anaga hana soo fara gelinina, Gaarisa noo badbaadiya, Wajeer noo badbaadiya, Mandheera noo badbaadiya, Islii noo badbaadiya" 

Hadalka Guddoomiyaha Aqlabiyadda Barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa kusoo aadaya maalin kaddib markii Al-shabaab jidka u gashay kolonyo uu la socdey guddoomiyaha degmada Mandhera Cali Roba.

Weerarkaas waxaa ku dhintey ugu yaraan afar qof  ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen inkastoo Cali Roba aanay wax dhibaato ahi  kasoo gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM