Kenya: Ciidankeena ka ma baxayaan Somalia

Image

17 November, 2015(GO)-Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo, ayaa sheegtay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ay AMISOM ku sii jiri doonaan inta laga gaarayo ujeeddooyinkii loo aas’aasay AMISOM.

Omamo, oo wareysi siisay BBC, ayaa ka war celisay baaqii xubnaha xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee Sabtidii tagtay ka soo yeeeray, kaas oo ahaa in Kenya ay ciidamadeeda si deg deg ah ugala baxdo dalka Soomaaliya, si loo dhiso jawi ku saleysan kalsooni iyo is aaminaad.

Waxay Omomo sheegtay in ciidamadeeda Soomaaliya jooga ay ku ku shaqeeyaan tilmaamooyinka ay AMISOM bixiso, oo Soomaaliya aysan iska joogin, balse ay u joogaan Midowga Afrika iyo beesha caalamka oo taageeraya howlgalka AMISOM iyo xasilinta Soomaaliya.

Waxay sheegtay in muhiimaddooda tahay inay diiradda saaraan xasilinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Xigasho: VOA

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM