Kenya oo derbi ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Somalia

Image

February 25, 2015 (GO)- Kadib markii dhowaan Al-shabaab ku hanjabtey inay weerarro hor leh ka geysan doonto wadamada deriska la ah Soomaliya iyo qaar kamid ah dalalka reer-galbeedka, ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay inay derbi weyn ka dhiseyso xuduudka ay la wadaagto Soomaaaliya.

Derbigan oo dhererkiisu gaarayo 700km waxaa marka koowaad laga hirgelin doonaa jaziirrada Lamu oo ah goob loo dalxiis tago halkaasoo dhowr mar mileeshiyaad Al-shabaab ka tirsan oo dhanka Soomaaliya kasoo tallaabay weerarro ka geysteen dad badanna ku laayeen.

Guddoomiyaha Lamu Issa Timamy ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee derbigan laga leeyahay ay tahay sugidda ammaanka iyo weliba sidii looga hortegi lahaa in dagaalyahannada Al-shabaab kasoo tallaabaan xadka islamarkaana geystaan falal ammaanka Kenya liddi ku ah.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay gudaha Kenya, sidoo kale Al-shabaab ayaa ku goodidey inay sii wadi doonto weerarada tan iyo inta Kenya ciidamadeeda dib ugala soo baxayso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM