Kenya oo dishay Shan kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab

Image

Isniin 20 October, 2014 [GO]- Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa weerar ku qaaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Shan nin oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. 

Xuduuda dalalka Kenya iyo Itoobiya u dhaxeysa halka loo yaqaan Dooloow ayaa lagu weeraray ragga la dilay. 

Gaariga ay wateen oo lahaa taargo dalka Kenya ah ayaa laga soo dhex saaray 100Kg oo ah waxyaabaha qarxa iyo shan suun oo loo adeegsado is qarxinta. 

Marka uu weerarka dhacayay waxay doonayeen kooxda la laayay inay gudaha usoo galaan xuduuda dalka Kenya. 

Saraakiil u hadashay Ciidamada Kenya ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in ay ku daba jireen kooxdaan ayna hore u haysteen macluumaad dheeri ah. 

Wayaadan waxaa heegan ku jiray ciidamada ilaalada dalka Kenya kaddib markii ay dowlada heshay hanjabaad kaga timid kooxaha argagixisada Al-Shabaab. 

Bishii April ee sanadkaan ayaa sidaan oo kale magalada Mombasa gobolka Xeebta ah lagu qabtay laba nin iyo gaari ay wateen oo ka buuxay walxaha qarxa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM