Kenya oo go'aan cusub ka gaartey dhismaha Derbiga Xadka Soomaaliya

Image

BELED XAAWO - Dowladda Kenya ayaa soo saartey go'aan cusub kaasi oo ay ku joojisay dhisamaha derbiga xuduuda Soomaaliya, kaidb markii wadahadal uu dhex-maray mas'uuliyiinta labada dowladood.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Magaalada Balad Xaawo oo ah halka uu ka socday dhismaha derbiga, ayaa lagu qabtey kulan ay yeesheen wakiillo ka kala socotay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Aadan iyo Madaxa amniga Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax oo ay wheliyaan mas'uuliyiin kale.

Waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo Muhiim u ah oo lagu dhameynayo xiisada ka dhalatay darbigii ay dowladda enya ka dhiseysay magaalada Balad Xaawo, kaasi oo dhaliyay kacdoon Shacab.

"Heshiis dhameystiran wali lama gaarin, balse waxay mas'uuliyiinta isla garteen marka hore in dhisamaha derbiga la joojiyo, kadibna la isagu yimaado kulan kale," ayuu yiri mas'uul la hadlay GO.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in todobaadkan uu labo jeer khadka Taleefonka kula hadlay Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, isagoo kala hadlay arinta dhisamaha derbiga xuduuda.

Kenya ayaa doonaysa in derbi dhirirkiisu gaarayo 700KM inay ka dhisto Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab ay ka fuliso dalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM