​Kenya oo sheegatay dilka 140 katirsan Al Shabaab

Image

Militariga Kenya ayaa sheegay inay 140 dagaalyahan oo katirsan Ururka Al shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Afmadow, ee gobolka Jubbada hoose.

Kenya ayaa sheegtay in 500 Al Shabaab ah oo wata gaadiid dagaal ay weerar ku qaadeen Afmadow, balse ay la kulmeen iska-caabin xoogan, oo looga dilay 140 xubnood.

Dagaalyahanada ayaa weerarkooda ku bartilmaameedsaday saldhigaas Booliska Afmadow, halkaasi oo ay kula dagaalameen mudo saacado ah ciidamada maamulka Jubbaland.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ayaa dib uga saaren Al shabaab Afmadow, markii ay ka awood-roonaadeen ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Somalia.

Dagaalyahanadada Al shabaab ayaa dib ugu laabtay deegaanka Miido, kadib markii looga awood-roonaadey dagaalka magaalada Afmadow, waxaana looga gubay labo gaari oo kuwa dagaalka ah.

Weerarka Afmadow ayaa dhacay Todobaad kadib markii ciidamada Kumaandooska Somalia ee Mareykanku tababaray ay Al Shabaab ku weerareen deegaanka Caanoole ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale, Diyaaradaha dagaalka ciidanka Kenya ayaa Jimcihii ayaa weerar cirka ah ku qaadey deegaanka Cali-xareed, oo ku dhawaad 25Km u jira degmada Baardheere.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al Shabaab, kaasoo ku aadan sheegashada ciidamada Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM