Kenya: Macalin Kenyan ah oo lagu afduubtay xerada qaxootiga Xagardheer

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Haweenay u shaqaynaysay hay'ad lagu magacaabo Windle Trust International, isla markaan ahayd macalimad Kenyati ah, ayaa la sheegay in laga kaxaystay xerada qaxootiga Xagardheer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Lama oga cidda afduubatay, balse waxaa looga shakisanyahay ururka Al-Shabaab sida laga soo xiganayo saraakiil ka tirsan booliiska Kenya.

Hawenayda oo lagu magacaabo,Judy Mutua ayaa la tuhunsanyahay in lala soo aaday dhinaca Somalia, waloow uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dalka Kenya iyo hay'adda u shaqaynaysay.

Kooxda ayaa sidoo kale kaxaysatay gaari hay'addu iska lahayd.

Ma jirto cid waxyeelo kale ka soo gaartay weerarka haweenayda lagu afduubay, mana aha markii ugu horaysay oo shaqaale lagu afduubu dalkaasi.

Falkan xalay lagu afduubtay haweenaydan ayaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dalkaasi ku haysa weeraro qorshaysan tan iyo markii ay soo galeen dalka Somalia.

Dhinaca Al-Shabaab weli kama soo bixin war ku aadan afduubka Judy Mutua.

Gabadhan ayaa macalimad ah, waxayna la shaqaynaysay hay'adda Windle Trust International oo taageerta arrimaha waxbarashada dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM