Khadiija Diiriye oo u dabaal-degtay Guusha Kursiga HOP97

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markii 6aad noqotay Xildhibaan, iyadoo difaacatay Maanta kursiga HOP97, oo ay leedahay Beesha Yaxar, oo degta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxay Khadiija kusoo baxdey doorasho aan lagula tartamin, iyadoo kuraastii Maanta lagu doortey Jowhar oo lix gaarayay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo HirShabeelle lagu doorto, iyadoo Maamulada kale uu ka dambeeyo Guudlaawe.

Sanadkii 2000 ayay Khadiija ku fariisatay kursigan, laga soo billaabo dowladdii Carta lagu dhisay ee C/qaasim illaa mida Farmaajo ayay kusoo jirtay, oo xilal kala duwan, iyadoo hadda haysa jagada Wasiirka Gargaarka.

Waa siyaasi mar walba la jaan-qaada hadba siyaasadda xiligaas jirta, iyadoo ah qof danteeda diiradda saarta, oo aan xisbi katirsanayn, waxaana la sheegayaa in Farmaajo ay taageersan tahay, oo suurta-gal tahay inay codka siiso doorashadda Madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM