Khasaaraha Qaraxii ka dhacey magaalada Muqdisho oo Kordhay

Image

Siddeed ruux oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay dhinteen 21 kalena ay dhaawacmeen, oo 9 ka mid ahna ay yihiin ciidamada ilaalada gaarka ah ee Q.M  Soomaaliya, kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya caawa.

Dadka dhintay, ayaa laba ka mid ah waxa la xaqiijiyay inay ahaayen rayid, halka inta kalena ay askar ahaayeen. Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa askar iyo rayidba ay isugu jira.​

Saraakiil ka tirsan cisbitaalka Madiina, ayaa sheegay in loo keenay dhaawac ahaan isbitaalka illaa iyo 23 ruux, oo labo ka mid ahina ay goobta ku dhinteen. Dhaawacyada, ayaa qaarkood darran, sida ay saraakiishu sheegayaan.

Qaraxa oo xooggana darti, ayay dad salaaddii Maqrib ku dukanayay masjid u dhow madaxtooyada ku dhaawacmay.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay wafuuddii shirka qaarkood ay madaxtooyada ka soo baxayeen, halka kuwa kalena ay halkaasi galayeen.

Gaari uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarka, waxana la sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa ay dhaawacmeen.

Ma cadda in weerarku uu bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay, hasa yeeshee wararka qaar waxay sheegayaan in markii uu weerarka dhacayay uu Kay ku sugnaa xarrunta madaxtooyada, uuna dhacay qaraxa xilli uu doonayay in uu madaxtooyada ka baxo.

Dhacadaani, ayaa waxay imaaanaysaa iyadoo maanta Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii wadatashiga ee doorashada xigta dalka Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab, ayaa weerarkani sheegatay.

Xigasho: VOA

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM