Khasaaraha weerarii is-qarxinta Gaalkacyo oo kordhay

Image

GAALKACYO, Galmudug – Tirada dhimashada weerarkii Jimcihii ka dhacay Gaalkacyo ee lagu dilay saraakiil sarsare oo ka tirsan militariga iyo booliska ayaa gaartay 15 qof, sidda ay xaqiijiyeen maamulka degaanka.

Saraakiisha amniga oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay in 15 qof ay ku naf waayeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Booliska ayaa wariyey in dhimashada cusub ee laga diiwaan galiyay ay ka dhalatay markii ay dhinteen qaar kamid ah dhaawacyadda.

Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Ciise halkaasoo qorshuhu ahaa in Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu daweynaha kula hadlo.

Sarkaal booliis ah oo la hadlay wakaalada Anadolu isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira in aan loo ogoleyn in uu la hadlo warbaahinta ayaa yiri "dhimashada ugu badan waxay dhacdey Sabtidii. Dhakhaatiirta waxay isku dayeen in ay dhaaweeyeen dhaawacyadda laakiin qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa u dhintay waxyeeladda. Waxaan adkeynay amniga agagaaraha aagga uu weerarka ka dhacay".

Rooble iyo madax kale oo ka qeybgashay Aaska loo sameeyay marxuumiinta ayaa cambaareeyay falkaas, iyaga oo wacad ku maray in looga aargudi doono maleyshiyadda Al-Shabaab ee qaadey "falkaas wuxushnimo".

Birre Hashim oo kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegtay Anadolu Agency: "Waxaan u barooranaynaa sababtoo ah waxaan waynay xubno qoyskeena ah, waxaan waynay dad naftooda geliyay khatar si loo hubiyo inaan nabad ku naaloono oo aan ku noolaano nolol nabad ah. Shuhadadaani waa dad waligood dadka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan dadaalkooda ay ku xaqiijinayeen in aan helno Gaalkacyo nabad iyo barwaaqo ah. ”

Muuse Mohammed, 44-jir degan Gaalkaci, ayaa dhankiisa sheegay in weerarka uu galaaftay nolosha dad wadaniyiin ah.

"Waxay ku sii noolaan doonaan qalbiyadeenna. Waxaan ka codsaneynaa bulshada caalamka inay nooga soo gurmadaan dhanka amniga. Waan beeri karnaa waana difaaci karnaa nafteena iyadoo ay jirto abaar iyo macluul. Waxa aan u baahanahay waa Soomaali amni ah - ma ahan macnaheedu amni la'aan qofna ma aadi karo beeraha," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee jooga Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarka, iyaga oo naxariis u rajeeyay marxuumiinta, halka ay bedel u rajeeyeen dadkii ehelooda ku waayey weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM