Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Gedo [Dhageyso]

Image

26 August, 2015 (GO)- Afhayeenka maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo u waramayay Radio Garowe ayaa ka hadlay dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee ku sugan gobolkaasi.

Nuur Sayax ayaa sheegey inay ka dileen Al-shabaab 21 ruux halka ay gacanta ku hayaan 3 Sarkaal oo ka tirsanaa ururkaasi iyo gaari ay u saarnayd saanad Milatari.

Dhankooda waxa uu sheegey inay ka dhinteen Shan askari oo uu ku jiro Taliyihii saldhiga Dooloow iyo gudoomiye ku xigeenkii Balad-xaawo,halka dhaawacoodu gaarayo 7 qof.

Dagaalkan ayaa ka dhacay Tuulo Barwaaqo oo 18km u jirta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Xaalada deegaanadaasi ayaa lagu soo waramayaa inay haatan dagantahay, waxaana dhaawacyada dowladda loo qaadey degmada Garbahaarey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM