Khasaaro ka dhashay dagaalka ka dhacay Guriceel

Image
Galmudug ayaa lugaha la gashay dagaal kaasoo saameyn kara doorashadda Gollaha Shacabka.

GURICEEL, Galmudug - Khasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee si toos ah u hoostaga maamulka Galmudug.

Wararka laga helayo illo degaanka ah ayaa waxay xusayaan in Ahlu Suna ay gurmad ka heshay qaybo kamid ah Galgaduud taasoo u sahashay in ay qabsadaan saldhiga booliska Guriceel.

Tafaasiisha oo sidoo kale ka imaanaya dad ku dhow labadda dhinac waxay intaas ku daraysaa in dhaawac soo gaaray uu goordhow u geeriyooday Taliyihii Ciidanka Danab ee Galmudug.

"Dadka ku nafwaayey waxay u badan yihiin askar iyo ciidamo. Shacab badan waxyeelo sooma gaarin sababo ku aadan in ay kal hore ka qaxeen magaalada," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayuu yiri "caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale".

Dhanka kale, illo madaxbanaan ayaa sheegay in magaaladda wali ay joogaan dagaalyahanada Ahlu Sunna, islamarkaana ay fadhiyaan Ciidanka duleedka degmada, waxaana jirta xaalad cabsi ah inuu dib u billowdo dagaal kale.

UNOCHA ayaa sheegtay in dad badan oo shacab ah oo lagu qiyaasay 100,440 qof ay ka barakaceen magaaladda maalihii ugu dambeeyay, waxayna dhibaato bini'aadanimo ku haysataa tuulooyinkii ay tagaan oo horey abaar uga jirtay.

Galmudug ayaa lugaha la gashay dagaal, kaasoo saameyn kara doorashadda Gollaha Shacabka ee lagu wada inay dhawaan dalka ka billaabato, iyadoo xaaladda hadda taagan ay keeni karto in Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb lagu qaban waayo.

Ahlu Sunna oo mudoo ku dhaw labo sano ka maqnayn Galmudug ayaa soo laabashadeeda kusoo beegtay xili doorasho, iyagoo la sheegay inay raadinayaan kuraas baarlamaan, waxayna ku gorgortamayaan magaalooyinka ay haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM