​Khasaaro ka dhashay hoobiyaal lagu tuuray nawaaxiga garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHU, Somalia- Tiro Hoobiyaal ah ayaa Caawa fiidkii ku soo dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdishu, waxaana jira Khasaaro ka dhashay madaafiicdaasi.

Illaa 7 Hoobiye ayaa ku dhacay Guro Shacab ay deganyihiin oo ku yaalla Xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in ku dhawaad 10 qof, oo Caruur ku jiraan ay ku dhaawacmeen Madaafiicdan lagu garaacay Xaafada Buulo Xuubey, oo kaabiga ku haysa Garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Illaa hadda ma jirto cid og halka laga soo tuuray Hoobiyaasha, mana jirto koox sheegtay ma'uuliyadda weerarka, balse waxaa xusid mudan in dhowr jeer hoobiyaal lagu weeraray Magaalada Muqdishu.

Ciidamada dowladda Soomaaliye ayaa gaaray Goobta madaafiicdu ku dhaceen, iyagoo sameeyeey baaritaan xoog leh, inkastoo aan cidda ay gacanta kusoo dhigeen.

Weeraradan ayaa xooggaystay xilli la filayo doorashada ugu dambaysa ee madaxweynaha iyo Barlamanka inay ka dhacaan magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia, waxaana arrintaasi walaac xooggan dhawaan ka muujiyay qaar kamid ah murashaxiinta u tartamaya madaxweynaha Somalia, xilli ay la kulmee Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM