Agaasimaha hay'adda socdaalka Soomaaliya oo qarax ka badbaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa fiidnimadii caawa wuxuu ka dhacay wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isgoyska KM-4 ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo lagu waramay in uu jidka marayey xilliga uu qaraxu dhacayey, ayaa ka badbaadey isagoo aan waxyeelo soo gaarin.

Sadiiq Doodishe, afhayeenka bileyska Soomaaliya oo telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa tibaaxay in ay soo gaartey dhimashada ruux wadada marayey.

Warar madax-banaan oo laga helayo goobjoogeyaal ayaa muujinaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay, wallow aan wali lagu sameyn tiro-koob rasmi ah.

Bishaan October 1-deeda, sarkaal ka tirsan hay'adda sirdoonka, Caano-geel, ayaa ku dhintay qarax ay haweenay fulisay kana dhacay inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea ee degmada Howlwadaag.

Haweenayda ayaa la sheegay in ay isku duubtay taliye waaxeedka oo marayey meel ku dhow isgoyska Black Sea wadada soddonka isla markaana falkaas ay ku dhaawacmeen laba uu mid ilaalo u ahaa.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa sheegatay mas'uuliyada is-miidaaminta. Baraha faafiya wararkooda waxay wariyeen in laba ilaalo ay ku dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM