Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Jowhar

Image
Laba Xildhibaan ayaa kamid ah shaqsiyaadka ku dhaawacmay weerarkan.

BOOSAASO, Puntland - Oday dhaqameed ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay goob lagu shaaho oo ku taal magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Suleymaan Cumar, halka labadda kale oo Xildhibaano ahaa lagu kala magacaabo Cumar Maxamed iyo Yuusuf Cabdulqaadir Karaani.

Bishii October, labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo xalay saqdii dhexe ka dhacay bartamaha magaaladda Jowhar, ee Caasimadda maamulka HirShabeelle.

Maxamed Cabdi Cali “Maxamed Dheere” iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow “Kheyre”, ayaa qarax miino oo wadada qarkeeda la geliyay ku dhaawacmay xili ay kasoo laabteen munaasabad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii 5aad ee kasoo wareegatay aas-aaska HirShabeelle.

Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa lagu weeraray Jowhar tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana kooxo hubeysan ku dileen gudaha magaaladda Wasiirkii Beeraha HirShabeelle Cabdiqaadir Abuukar Karaani bishii August 2020.

HirShabeelle ayaa ah maamulka ugu dhaw Muqdisho, kaasoo saameynta ugu badan ay ku leedahay Villa Soomaaliya, waxaana maamulka ka jira uu yahay mid jilicsan, oo lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban amniga.

Al-Shabaab ayaa aalaaba looga bartey dhacdooyinka noocaan ah. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto sheegasho rasmi ah oo kooxda soo marsiisay warbaahinta ku hadasha afkeeda ee dhanka barta internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM