Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo caawa ka dhacay isgoyska KM4 ee bartamaha magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari nooca aan xabadda karin oo marayey wadada kaasoo aan la ogeyn cidda saarneyd ama iska lahayd wallow gaadiidkan ay adeegsadaan mas'uuliyiin.

"Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay ahaayeen rayid saarnaa Mooto Bajaaj," ayuu yiri qof kamid ah goobjoogeyaasha oo khadka telefoonka ugu waramay warsidha Garowe Online.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah aalaaba looga bartay in ay dusha saartaan maleshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in gaariga la qarxiyey ay wateen ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

"Qaraxa wuxuu dhacay iyadda oo gaariga uu marayo inta u dhaxeysa kontaroolka laga ilaaliyo amniga garoonka diyaaradaha iyo kontaroolka laga sugo ammaanka isgoyska KM4," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay GO.

Falalka liddiga ku ah xasiloonida ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay kusoo kordhaya caasimadda iyadda oo dalka qarka u saaran yahay firaaq dastuuri maadaama aan wali lagu heshiin doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM