Khasaaro ka dhashay qaraxyo ka dhacay degmada Jalalaqsi

Image
Image
Image
Image
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku naf-waayay laba qarax ismiidaamin oo ka dhacay degmada Maxaas ee Hiiraan Jan 4, 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qarax ayaa Sabtida maanta ah waxa ay ka dhaceen degmadda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca nabad-gelyadda ah iyo dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku nafwaayay, afar kalena ay wax ku dhaawacmeen weeraradan loo maleynayo in ay ka dambeeyeen maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Qaraxyada kadib waxaa la maqlay rasaas. Xabadaas waxaa loo maleynayeen in ay fureen ciidamadda. Illaa hadda waxaa la og-yahay in uusan ahayn weerar toos ah," ayuu yiri Cali Axmed, oo goobjooge ah.

Sidda laga soo xigtey saraakiisha amniga iyo dadka degaanka, qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow bar kontarool, halka kan labaad laga soo tabiyey duleedka magaaladda.

"Nooca qaraxa wali lama shaacin. Warbaahinta looma ogolaan in ay tagaan goobta. Balse waxaa loo badinayaa in uu ahaa gaari walxo qarxa lagu soo raibay," ayuu yiri wariye madax-banaan.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada qaraxyadda ee ay ka fulineyso degmooyinka waaweyn ee gobolka Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku naf-waayay laba qarax ismiidaamin oo ka dhacay degmada Maxaas ee Hiiraan Jan 4, 2022. Goobta ay wax ka dhaceen waa guri ay dagaan martida balse ku dhow suuq mashquul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM