Khatar ka dhalata Wabiga Shabeelle oo laga digay [Akhriso]

Image
Image

JOWHAR, Somalia- Qoraal kasoo baxay hay’adda FOA qaybteeda la socodka cimilada iyo biyaha [SWALIM] ayaa lagu sheegay inay khatar xooggan kusoo fool leedahay qaybo kamid ah Koonfurta Somalia.

Hay’adda ayaa sheegtay in todobaadka dhammaadka ah iyo kan soo socda Roobab laxaad leh ka da’ayaan dhulka jooga sare ee Ethoipia iyo qaybo kamid ah Somalia, taasna ay ka dhalan karto Daadad kusoo rogmada wabiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wabiyadan ay samayn doonaan fatahaad sababta barakac iyo bur-bur soo gaara dalagga.

Wabiga Shabeelle ayaa hay’addu qirtay inuu gaysan doono saamaynta ugu badan islamarkaana ku fatahi doono degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay.

Waxay intaas ku dartay Warbixintu inaan laga cabsi qabin Fatahaad uu sameeyo Wabiga Jubba.

Roobabka fatahaada samayn doona ayaa saadaashu sheegaysaa inay da’ayaan inta u dhaxaysa 16-23 bishan.

Wabiga Shabeelle ayaa inta badan sameeya fatahaad, maadama ay kusoo rogmadaan biyaha ka yimaada buuraladay dalka Ethiopia, waxaana dhibaato xoog leh kala kulma dadka ku nool gobollada Shabeellaha hoose iyo Dhexe ee Koonfurta Somalia.

Saadaashan ayaa kusoo aadaysa xilli horay gobolladaas ay uga jirtay saamayn xoog leh oo ka dhalatay abaartii ka dhacday Somalia,taasoo baabi’isay badi duunyo iyo dalag wixii ku dhaqnaa gobolka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dowladda Somalia xilli baaqan oo ku taariikhaysan 17 bishan uu soo baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM