Khayre oo ka digay in la musuq-maasuqo dhaqaalaha dekedda

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho.

Kulan waxaa looga hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho.

Kheyre ayaa la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno,”Ayuu yiri RW Xasan Cali kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

Waa markii labaad oo booqasho ku tago dekedda Muqdishu tan iyo markii la magacaabay horaantii sanandkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM