​Khayre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqayneed ee kala dhaxeeya Farmaajo

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa wax laga weydiiyay xiriika iminka ee uu la leeyahay Madaxweyne Farmaajo oo xilka haya tan iyo horaantii bishii Febraayo.

Isagoo marti ku ahaa Barnaamijka todobaad-laha ah ee ka baxay SNTV, wuxuu sheegay inuu yahay boqolkiiba boqol mid wanaagsan maadama labadooduba yihiin dad doonaya hormarka dalka islamarkaana meel iska dhigay danahooda gaarka ah.

Ra’isal wasaaraha ayaa carrabka ku dhuftay in labadooduba yihiin kuwo raadinaya midnimada umadda Somaliyeed islamarkaana hishiis ku ah in loo shaqeeyo dalka, wuxuuna xusay inuusan ka cabsi qabin wax mugdi ah oo imaan kara.

Waqtigii la magacaabay Ra’isal wasaaraha Somalia, ayaa Madaxweyne Farmaajo wasiirka koowaad ee xukuumadda dalka ku tilmaamay inuu yahay shakhsiga kaliya ee la shaqayn kara islamarkaana ay isku fikirka yihiin.

Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale sheegay in maamullada ka jira dalka Somalia laleeyihiin xiriir dhow, islamarkaana uu kala dhaxeeyo iskaashi ah sidii dib-u-hishiisiinta looga shaqayn lahaa, wuxuuna xusay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya shacabka markaga laga yimaado siyaasiyiinta sida uu hadalka u dhigay.

RW Khayre, ayaa bulshada uga baaqay inay ka qayb qaataan sidii waddanka dib u dhiskiiga loogu istaagi lahaa, isagoo soo jeediyay in markasta laga fogaado waxyaabaha keeni kara dib u dhaca.

Waraysi ku baxay Barnaamijkan ayuu sidoo kale Xasan Cali Khayre uga hadlay, wax-qabadka xukuumadiisa, abaaraha iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Somalia.

Inta badan xukuumadihii soo maray dalka Somalia, ayaa waxaa hareeyay khilaafaad soo kala dhexgalay madaxdii dalka ugu saraysay taasoo keentay in xilalka laga xayuubiyo Ra’isal wasaaraha kadib markii mooshin laga keenay, taasoo ay ugu dambaysay dowladdii Xasan Sheekh oo yeelatay ilaa saddex RW.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM