Khayre oo u hanjabay Mucaaradka Xukuumadiisa [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Xukuumadiisa, oo markasta oo horumar sameyso ka dhiga waxbka kama jiraan.

Khayre ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabadda kooban oo looga dhawaaqay in Dowladda ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada dalka, kadib markii dhawaan la xiray xafiiskiisa ICAO ee Nairibi, oo mudo ku dhaw 30 sano laga maamuli jiray.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in talaabadaan ay kula soo wareegaan Maamulka Hawada ay tahay mid bilow u ah guulaha dalkay ay gaarsiinayso Xukuumadda uu isaga hogaamiyo.

Wuxuu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar], Madaxweyne Farmaajo iyo dhamaan cida ka qeybqaadatay in qorshahaan uu her-galo.

"Inaan hawadeena ka maamulano dalkeena waa guul bilow ah, laakiin waxaa kasii muhiimsan inaan is-dhigan oo aan halkeena kasii wadno guulaha aan hiig-saneyno, si aysan nooga baabi'in waxaan haysano," ayuu yiri Khayre.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya sheegtay inay si rasmi ah hawadeeda ula soo wareegtay lagana maamuli doono Muqdisho, hadana maamulka Somaliland oo gooni isku taag ku dhawaaqay 1991, uu qaadacay talaabadan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM