Khayre oo Xil u magacaabey ku-xigeenkii duqa Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xil cusub u magacaabay ku-xigeenkii hore ee duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, Yacquub Maxamed Cadalla.

Yacquub, ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasiimaha Waaxda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saarey Xogyaha joogtada ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Maxamed Keynaan ayaa lagu shaaciyay magacaabidda , waxaana loogu baaqay Agaasiimaha cusub inuu si daacadnimo ay ku jirto u guto xilka loo igmaday.

Yacquub Maxamed, oo ah nin dhalinyaro ah ayaa kasoo shaqeeyay Hay'ado warbaahineed oo kala duwan, kahor inta uusan Siyaasadda kusoo biirin sanado kahor, isagoo noqday ku xigeenka gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo.

Xilka loo magacaabey Yacquub waxaa horey u hayay Cabdiqaadir Nadaara, oo hadda kusoo aruuray La-taliye dhanka Saxaafadda u qaabilsan Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM