Kheyre oo ka qeybgalaya Shirka Doha Forum

Image

DOHA, Qatar- Ra'iisal wasaaraha dowladda Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta ka qeybgalaya Shirka Doha Forum, oo ka dhacay waddanka Qadar, sida ay sheegayaanw wararka soo gaaraya GO.

Kulankaas waxaa ka qayb galaya Hogaamiyaal ka socda Bariga qaraadda Africa iyo Hay'addo caalami ah.

Wafdi ka kooban Labada Golle ee dowladda Federaalka Somalia, oo uu horkacayo Ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay gaarey magaalada Doha, kadib markii lagu casuumay "Shirka Doha Forum."

Mudane Kheyre ayaa Shirka kadib la kulmi doono Madaxda sare ee dowladda Qatar, oo uu kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin Dhaqaalaha, Amaanka, dib u dhiska Ciidanka iyo wax u qabashada dadka ay abaartu saamaysay.

Inta uu socdo Shirka Doha Forum waxaa la filayaa in diirada lagu saaro dhibaatooyinka ka taagan dalka Somalia, islamarkaana laga soo saaro go'aanno lagu taageerayo dowladda Federaalka Somalia.

Dowladda Qatar waxay kamid tahay dalalka Khailiijka carabta ee sida aadka u daneeya arrimaha Somalia, waxayna Muqdishu ka furay Safaarad ka shaqeysa hergelinta mashaariicda kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM