Khilaaf ka dhashay hawlgalada Jubbooyinka ka bilowday

Image

KISMAYO, October 7,2014 [GO]- Shalay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa ku dhaqaaqay deegano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab waxay qabsadeen Lugloow, Yoontay, iyo Buulagaduud.   

Qabsashada deeganadaas kaddib ayaa lagu wargeliyay saraakisha ciidamada AMISOM Qeybta Sector 2 ee ka hawlgala Jubbooyinka inay ku ekaa-daan deeganada hadda ay xoreeyeen ayadoo lagu wargeliyay in ciidamada Sector 1 ee dhawaan xoreeyay Baraawe ay soo gaarayaan Jubbooyinka gaar ahaan Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Jubbaland ayaa gebi ahaan diiday wargelinta kasoo gaartay Muqdisho waxayna sheegeen inay wadayaan dagaalka ay Alshabaab kaga xoreynayaan Jubbooyinka ,

Dihinaca kale maamulka Jubbaland ayaa diiday in ciidamo Soomali ah iyo kuwa isku dhaf ah la keeno hawlgalka ayagoo sheegay inay awoodaan ka xoreynta al-shabaab degaanada hoos yimaada maamulkooda. 

Ciidamada oo xalay ku baryay Buulagaduud ayaa lagu wadaa in dhawaan ay uga ruqaansadaan Kamsuuma oo u jirta 90km waqooyiga Kismaayo. 

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM