Khilaaf ka taagan qaybsiga Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe

Image

JOWHAR, Somalia- Duubabka dhaqanka Somaliyeed ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ku howllan qaybinta qoondooyinka la siinayo beelaha daganna gobolladaasi, maadama loo soo gudbiyay tirada Barlamanka uu yeelanayo maamulka dhismihiisa lagu howllanyahay.

Wax-garadka ku kala sugan Jowhar iyo Baladweyne ayaa ku hishiin la'a inay qaybiyaan 71 Mudane, kuwaasoo ay wadaagaan 24 qabaa'il oo degan labada gobol oo cadaadis xooggan kaga imaanayo beelaha iyo waqtiga loo qabtay oo ku eg maanta.

Arrintan ayaa qarka u saaran in dib loogu celiyo wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo mar sii horraysa lagu celiyay, balse dib isaga soo riixday, sid ay ku waramayaan qaar kamid Odoyaasha dhaqanka.

Wabar Maxamed Wali Wabar Xuseen, oo kamid ah waxgaradka cadaadisku haysto ayaa laanta Afka Somaliga ee VOA u sheegay inaysan suurto gal ahayn qaybinta qoondada la siiyay, wuxuuna wasaaradda ka codsaday inay iyago qaataan mas'uuliyadda maadama sida uu hadalka u dhigay macquul noqon karin dhammaynta howshan.

Wuxuu xusay inay cadaadisku yahay labo arrimood; tan koowaad ayuu sheegay inay tahay Odoyaasha oo aan u madax bannaanayn go'aan gaarista qaybta beeshooda kusoo aada, halka tan labaad uu ku sifeeyay tirada Xildhibaanada la siiyay oo yar.

Wabar, ayaa intaasi ku daray inay sameeyeen guddiyo kala duwan, balse ku tallaabsan waayeen ujeedooyinkii loogu talo galay,"Waxaan samayno guddiyo kala duwan, kuwaasoo aan u xil saarnay qabinta Xildhibaanada, balse wey qaybin waayeen cadaadis haysta awgeed, taasi waxay kaliftay inaan ku celino wasaaradda inkastoo ay haddan keentay markii shirkan uu furmayay".

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu ugu baaqay in haddi ay xal gaari waayeen inay mas'uuliyadeeda gudato,"Xalka waxa weeye in haddii duubabku xal gaari waayeen oo eed ka baqayaan, in wasaaraddu qaybsiyo illeen dadkii iyo dalkiiba waa kala taqaannaye,"Sidaasi waxaa  hadalkiisa ku daray Wabar.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isagoo xusay inay jiraan beelo saddex gaaraya oo madasha ka maqan, wuxuuna ka digay in Ugaasyada maqan aysan matalin cid aysan iyagu wakiilan, wuxuuna ugu baaqay soo ajiibsita dalabkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM