Khilaaf Siyaasadeed cusub oo ka taagan HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Khilaaf Siyaasadeed cusub ayaa ka taagan maamulka HirShabeelle, kaasi oo ku qotoma magacaabista Gollaha Wasiiradda.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Baarlamaanka HirShabeelle ayaa isku khilaafsan halka ay ka imaanayaan Wasiiradda la magacaabayo, iyadoo taasi noqotay Ismariwaa Siyaasadeed oo soo wajahay maamulkaasi curdunka ah.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu doonayo in Wasiiradiisa cusub ay ka yimaadaan dibadda Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay doonayaan in iyaga laga soo xusho oo Muraayadda Xukuumadda iska-arkaan.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen "Guudlaawe" ayaa isna kasoo horjeeda aragtida Madaxweynaha, wuxuuna la saftay dhanka Xildhibaanada doonaya in Baarlamaanka laga keeno Wasiiradda.

Khilaafkan ayaa lagu soo waramayaa inuu kusii xoogeysanayo HirShabeelle, waxaana magaalada Jowhar laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, iyadoo ay Xildhibaanada qaadanayaan kulamo gaargaar ah, oo ku aadan magacaabista Wasiiradda.

Baarlamaanka HirShabeelle ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynihii hore Cali Cabdullahi Cosoble bishii August, kadib markii uu yimid khilaaf xooggan, iyadoo lagu bedelay Maxamed Cabdi Waare, oo dhawaan la caleema-saarey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM