Khilaafka Barlamanka dowlada Federaalka oo weli taagan

Image

Jimce, Nov 14,2014 [GO]- Wararka laga helayo xubno ku dhow guddoonka Barlamanka Somalia ayaa warsidaha GO u sheegey inuu weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyey xildhibaanada kala tageersan madaxda sare ee dowlada Federaalka.

Kulankii Barlamanka Federaalka Somalia ayaa Talaadadii '11 Nov,2014' lasoo dhaafey ku dhamaadey buuq iyo sawaxan kadib markii xildhibanada loo qaybiyey qoraalka mooshin ka dhan ah Ra'isal wasaaraha Somalia.

Wararkaan ayaa sheegaya in guddomiyaha Barlamanka Somalia Jawaari ku guuleysan waayey inuu ku qanciyo xildhibaanada tageersan Ra'isal wasaaraha Somalia iney ogolaadaan in mooshinka horyaala Barlamanka cod loo qaado.

Dhinaca kale waxaa weli halkiisii tagaan khilaafka u dhexeeyey madaxda sare ee Somalia iyadoo wararka laga helayo Villa Somalia sheegayaan iney guul dareysteen gabi ahaanba dadaalo dheraad ah oo la isugu soo dhoweyn lahaa  Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrey heshiis uu la galo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh isagoo ku adkeysanaya in mooshinka Barlamanka la geeyey waqtigiisa la siiyo.

Beesha caalamka aaya niyad jab ka muujisay khilaafka siyaasdeed ee Somalia iyadoo kulankii la filayey in Denmarka lagu qabto qarka u saaran yahay inuu gabi ahaanba bur-buro.

Dowlada Denmarka ayaa baajisay kulan ka horeyeey kan beesha caalamka kaasoo la isugu keeni lahaa qurba-joogta Somalia iyo madaxda dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Shiikh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM