Khilaafka Barlamanka dowlada Federaalka oo weli taagan

Image

Jimce, Nov 14,2014 [GO]- Wararka laga helayo xubno ku dhow guddoonka Barlamanka Somalia ayaa warsidaha GO u sheegey inuu weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyey xildhibaanada kala tageersan madaxda sare ee dowlada Federaalka.

Kulankii Barlamanka Federaalka Somalia ayaa Talaadadii '11 Nov,2014' lasoo dhaafey ku dhamaadey buuq iyo sawaxan kadib markii xildhibanada loo qaybiyey qoraalka mooshin ka dhan ah Ra'isal wasaaraha Somalia.

Wararkaan ayaa sheegaya in guddomiyaha Barlamanka Somalia Jawaari ku guuleysan waayey inuu ku qanciyo xildhibaanada tageersan Ra'isal wasaaraha Somalia iney ogolaadaan in mooshinka horyaala Barlamanka cod loo qaado.

Dhinaca kale waxaa weli halkiisii tagaan khilaafka u dhexeeyey madaxda sare ee Somalia iyadoo wararka laga helayo Villa Somalia sheegayaan iney guul dareysteen gabi ahaanba dadaalo dheraad ah oo la isugu soo dhoweyn lahaa  Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrey heshiis uu la galo Ra'isal wasaare Cabdiweli Shiikh isagoo ku adkeysanaya in mooshinka Barlamanka la geeyey waqtigiisa la siiyo.

Beesha caalamka aaya niyad jab ka muujisay khilaafka siyaasdeed ee Somalia iyadoo kulankii la filayey in Denmarka lagu qabto qarka u saaran yahay inuu gabi ahaanba bur-buro.

Dowlada Denmarka ayaa baajisay kulan ka horeyeey kan beesha caalamka kaasoo la isugu keeni lahaa qurba-joogta Somalia iyo madaxda dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Shiikh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM