Khilaafka u dhexeeya madaxda DFS oo cirka isku shareeray

Image

October 25, 2014 (GO)- Bilihii u dambeeyey waxaa labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowaladda Federaalka ka dhex aloosnaa khilaaf soo shaac baxay bishii September ee lasoo dhaafay.

Khilaafka oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayey wuxuu cirka isku sii shareeray xalay kadib markii Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhu isku maan dhaafeen kulan ay madaxtooyada Villa Somalia ku yeesheen.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sida aanu wararka ku heleyno Ra'iisul Wasaaraha ka codsaday inuu dib u dhigo isku shaandheynta uu ku sameeyey Golaha Wasiiradda, arintaasoo Cabdiweli Shiikh ka biyo diidey.

Ila wareedyo madaxtooyada ka agdhow ayaa GO u sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh diidanaa in la bedelo Faarax Shiikh C/qaadir oo horay u ahaa Wasiirka Garsoorka haseyeeshee isku shaandheynta kadib noqday Wasiirka Xanaanada Xoola, Dhirta iyo Daaqa.

Faarax Sheekh oo ka tirsan kooxda Damul-Jadiid wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ee had iyo jeer la taliya. Warar hordhac ah haseyeeshee aan sugneyn ayaa sheegaya in Faarax Shiikh Cabdiqaadir saacadaha soo socda xilka cusub ee loosoo magacaabay iska casili doono.

Ra'isal Wasaare Cabdi Shiikh Axmed ayaa tan iyo intii uu xilkaan qabtey gacanta ku dhigey shaqada xukuumadda isaga oo Madaxweyne Xasan Shiikh ka diidey inuu ku xadgudbo awoodaha Dastuuriga ee uu leeyahay xafiiska wasiirka koowaad. 

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin uu dhowaan u gudbiyey Golaha Ammaanka ku sheegay in is qabqabsiga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ah ee ka dhex dhaca madaxda Dowladda Federaalku caqabad ku yihiin horumarka dalka islamarkaana sababeen in qorshayaal badan oo la higsaneyey dib u dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM