Kismaayo: Askar ku eedeysan dil oo xukun lagu riday

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Maxkamadda Ciidamadda Jubaland ayaa Arbacadda maanta ah waxay xukun ku ridday afar eedeysane kuwaasoo la tilmaamay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka dhulka maamul goboleedkaas.

Afar kamid ah eedeysaneyaasha oo aan la magacaabin ayaa loo maxkamadeeyay jir dil la wariyey in ay u geysteen Nuur Maxamed Cabdulle kaasoo lagu waramay in kalkii dambe uu u geeriyooday nabaradda xadgudubkaas.

Xeer-beegtadda oo xustey in ay heshay "caddeymo ku filan" ayaa xukmisay in afarta eedeysane ay bixiyaan diyo boqol Hallaad oo Geela taas oo lacag ahaan u dhiganta $50,000 [konton kun oo doolar-ka Mareykanka].

"Magta marxuumka waxaa $30,000 kamid ah bixinaya ehelada Ciidanka, halka $20,000 ay bixinayso hay’adda dhulka Jubbaland," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda kaasoo uu arkay bogga GO.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa isla maanta waxay dhageysatay gal-dacwadeed ka dhan ah laba eedeysane kale kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay in ay kala yihiin; Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Xassan Xumeey Axmed.

Wayrax ayaa loo haystaa dilka Xaliimo Rooble oo 50-jir ahayd. Eedeysanahan wuxuu xusay in xabadda ka fakatay, isagoo dalbaday naxariis.

Xasan oo ah taliye ku xigeen hore ayaa ku eedeysan dilka askari ka tirsanaa ciidamadiisa. Askarigaas wuxuu u geeriyooday "dil ciqaabeed".

Kabtan Nuur Xassan Axmed, xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Jubbaland iyo Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed, ayaa xusay in xukunka dib laga shaacinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM