Barlamanka JL oo la caleemo saarey, wasiiro gaarey Kismayo

Image
Image
Image
Image

May 7, 2015 (GO)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhaceysa xaflad lagu caleema saarayo barlamanka Jubaland ee dhowaanta lasoo dhisey.

Wufuud tiro badan oo ka socoda Dowladda Federaalka, dowladaha qaybta ka ah federaalka, wadamada deriska, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey.

Mas'uuliyiinta xilligan Kismaayo ku sugan waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamino Cabdullaahi iyo danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ku sugan wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabullaahi Camey.

Ammaanka Kismaayo si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee magaalada dhex mara.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadley furitaanka xaflada caleemo saarka ayaa sheegey in wado adag loo soo marey hirgalinta barlamanka, isagoo sheegey in mamaulkiisa hadda marayo inuu dhameystiro dhameystirka sadexdii hay'adood ee mamaulka ka dhisamyey.

Madaxweeynaha Soomaaliya oo khudbad kua soo jeediyey gabagabdii xafladaan ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Jubbaland Baarlamanka cusub ee uu yeeshay, isagoo xusay in haddiii la dhisay aysan macaneheeda ahayn in maamulkii howlihiisii ay u dhamaatay balse la doonayo buu yiri in la qanciyo cid walba oo wax tabaneysa.

Dhinaca kale Ugaas Xasan Cabdi oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed oo la hadley saxaafada ayaa beesha caalamka ka codsadey in aysan aqaoonsan Barlamanka Jubaland madaama ana cadaalad loo qaybin.

Wasiirka warfaafinta mamaulka Koonfur Galbeed ayaa sheegey in dhismaha Barlamanka aan loo marin wado sharci ah waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo beesha caalamka ka codsadey faragalin.

Dhisamaha Barlamanka Jubaland iyo xaflada caleemo saarka ayaa imaaneysa xilli qaar tirsan dadka degan degaanka Jubaland aysan ku qanacsaneyn qaabka loo xuley xildhibaanada iyo habqaybsiga sida beelahaan u kala dagan yihiin degmooyinka maamulkan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM