Kismaayo: ciidamada Burundi oo qarax lala beegsaday

Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland oo weli shirkii dib u heshiisiintu uu ka socdo.

Kolonyo ay wateen ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM ayaa qaraxa lala beegsaday xilli ay marayeen xaafadda Via Af-madow.

Qaraxa oo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ahayd, wuxuu ka dhacay xaafadda Via-Afmadow, waxay waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah oo goobta ka agdhowaa.

Ugu yaraan lix qof oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyey isbitaalka weyn ee Kismaayo. Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira qaar ay xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale, ma cadda khasaaraha qaraxaas kasoo gaaray ciidamadii lala beegsaday mana jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyaddiisa sheegatay balse saraakiisha ammaanka ee Jubbaland ayaa ku eedeeyey Ururka Al-shabaab.

Booliska ayaa daqiiqado kaddib goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray, waxayna ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socday, inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn in hawgalkaas dad lagu soo qabqabtay iyo in kale.

Asbuuc kahor ayey ahayd markii ciidamada ammaanku magaalada Kismaayo ku qabteen labo nin oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo watey hub isugu jirey baaskoolado iyo miinooyinka dhulka lagu aaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM