Kismaayo: Dastuurka Jubaland oo maanta la ansixiyey

Image
Image
Image
Image

August 1, 2015 (GO)- Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa lagu ansixiyey dastuurka cusub ee maamulka Jubaland.

Xafladda waxaa kasoo qayb galay ergooyin ka kooban 300 oo ka socdey gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa madaxda ugu sarreysa Jubaland iyo wufuud ka socotey Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobey.

Ansixinta Dastuurkan ayaa kusoo aadeysa xilli labo todobaad kadib ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeennada Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM