Kismaayo: Mas'uul sarre oo ku dhintay is-rasaaseyn

Image

KISMAAYO, Jubaland - Maareeyihii dekadda caasimadda kumeelgaarka Jubaland ee Kismaayo ayaa Axadii todobaadkan ku dhintay iska-hori-imaad dhexmaray ilaaladiisa, sidda xaqiijiyeen mas'uuliyiin amni.

Marxuum Cawil Cali Bare Cumar oo kamid ahaa mas'uuliyiinta aadka ugu dhow madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ifka kaga tegay xaas iyo caruur.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay murugada la wadaagayaan dhamaan dadka ay saameysay geeridan.

Sidda laga soo xigtay qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, is-rasaaseynta ayaa ka dhacdey bar kontarool oo ku yaala hoyga uu ka deganaa magaaladda.

"Hay'adaha amniga magaaaladda ayaa wadda baaris ku saabsan waxa sababay rasaastaa," ayaa la raaciyey bayaankan ku taariikheysanaa 24-ka Janaayo ee sanadkan cusub 2021.

Warka qoraalka ayaan lagu caddeyn hadii gacanta laamaha nabad-gelyadda ay ku jiraan askartii tacshiiradda dhexmartay iyo in lagu raadjoogo.

Bayaanka oo naxariista EBBE waxaa loogu rajeeyay marxuumka ayaa ugu dambeyntii waxaa qoyskiisa, ehelkiisa, caruurtiisa, iyo asxaabtiisa loogu duceeyay in  geeridiisa uu Ilaahey ka siiyo Samir iyo Iimaan.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM