​KISMAYO: 1,500 oo Askari oo Tababar loo soo xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta tababar ugu soo xiray Ciidamo katirsan  Xooga Dalka qaybta 43-aad ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

Munaasabadda Tababarkan lagu soo xirayay waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya, Sarakiil kasocotay Dowlada Federaalka ah iyo Hawlgalka  AMISOM.

Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ay gaado ka Ciyaar kusoo bandhigay Madaxda hortooda iyagoo muujinayay casharadii la siiyay mudadii ay ku jireen aqoonta ciidanimo.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya 1,500 askari, ayaa ka kooban qaybta kumaandooska iyo Ciidamada Lugta waxaana ay mudo ku tababaranayeen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay inay qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay ee Ciidamada Qaranka oo isku dhaf ah.

Dhammaan dadkii gacanta ka gaystay hawshan ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo sheegay in Al-Shabaab ay burbur qarka u saran tahay maadama wiilashii dhamaystiri lahaana ay diyaar u yihiin in ay ku dhaqaaqan gumaadka Shabaab.

Ciidamada ayuu ku booriyay inay muujiyaan dareen lahaansho oo ay Dalkooda xorayntiisa Naftooda u huraan isagoo xusay in ay Dowlada Federaalka ah laga sugayo wixii tasiilad ah oo Ciidamadan ka dhiman.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM