Kismayo: ciidanka oo qabtay hub iyo dad

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Ciidamada ammaanka ee Maamulka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ka sameeyey howlgal lagu soo qabtay dad laga shekiyey iyo hub.

Howlgalka oo ka dhacay xaafadaha Shaqaalaha iyo Guulwade, waxay ciidamadu kusoo qabteen hub isugu jirey miinooyinka dhulka lagu aaso iyo baaskoolado dhowr ah.

Waxay sidoo kale ciidamadu isla howlgalkaas kusoo qabteen labo nin oo dhallinyaro ah. Nimanka oo ahaa kuwii hubka watey waxaa looga shekisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa Garowe Online u sheegay in labada eedaysane baaris lagu wado, si dhaqso ahna maxkamad loosoo taagi doono.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu isku dayayo inuu “ka takhaluso”

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu si sharci darro ah u bartilmaameedsanayo odayaasha dhaqanka.

  • Soomaliya

    27-09-2025

  • 12:49PM

Mashruuca Qaybinta Timir Gargaar ah oo Si Hab-sami Leh Uga Socda Duleedka Muqdisho, Gobolka Banaadir [SAWIRRO]

Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa muujisay mahadnaq qoto dheer oo ay u jeedisay Xarunta Boqor Salmaan.

  • Soomaliya

    26-09-2025

  • 02:58PM