Koonfur Galbeed: Xulista 5 kursi Aqalka Hoose oo la asteeyay

Image
Doorashada Golaha Shacabka ayaa dhawaan la go’aamiyay in muddo 40 cisho gudahood ah lagu soo gabagabeeyo.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in dhawaan ay qaban doonaan doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka xilli laga digay dib u dhaca codaynta oo la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 25 February 2022.

Guddiga ayaa Shaaciyay in doorashada 5ta kursi ee tirsigoodu uu kala yahay184,85,156,176 iyo 45 ay dhici doonto 18/01/2022 oo ku beegan Talaadada soo socota.

Kuraasta la shaaciyay horay waxaa ugu fadhiyay Xasan Cbdinur Cabdi, Maxamed Cabdalla Xuseen, Xil. Maxamed Murasal Maxamuud (Boorow), Xil. Cali Cabdi Cismaan iyo Xil.Raabco Sheekh Nuur.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa dhawaan la go’aamiyay in muddo 40 cisho gudahood ah lagu soo gabagabeeyo iyadoo cadaadis xoog leh uu saaran yahay dowlada federalka Soomaaliya sidii ay doorashada ugu soo gabagabeyn lahayd jadwalka lagu heshiiyay.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday 9-kii Janaayo ayaa lagu go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afjaro 45 maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka Janaayo kuna eg 25-ka Febraayo.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

SEIT Southwest State

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM