Degmooyinka Koonfur Galbeed oo loo dhisayo gole degaan

Image
Image
Image
Dowladahan Hoose ayaa qorshuhu yahay in loo yageelo degmooyinka hoostaga maamul goboleedkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.

Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay.

Ergyayga ayaa xusay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan Dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed,Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.

Laftagareen ayaa u-mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.

"Waan idin kaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waxaan ku faraxsanahay shaqada amaanta mudan ee aad ka wadaan deegaanada  koonfur galbeed ha ahaato dhisida gollaha deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka,dowlad goboleedka aan hogaamiyo ahmiyad gooni ah ayey noo leedahay dhismaha gollaha deegaanka degmooyinka koonfur galbeed guulaha hiigsiga leh ee aan wadno sida noogu garab siinaysaa waan idinkaga mahadcelinaynaa," ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey Dadaalka Hay’adda FCA ka wado Deegaanada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM