Koonfurta Gaalkacayo oo lagu dagaalamay

Image

Sept 25, 2014 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey dagaal maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka oo muddo kooban socdey wuxuu dhex maray labo kooxood oo burcadbadeed ah oo kasoo wada jeeda dhanka Galmudug.

Sida wararka lagu helayo wuxuu dagaalkaasi qarxay kaddib markii kooxaha burcadbadeedku ay ku murmeen qaybsiga lacag madax furasho ah oo laga qaatay weriye u dhashay dalka Jarmalka oo dhawaan lasii daayey.

Dadka geeriyoodey saddex kamid ahi waa dhinacyadii uu dagaalku dhex maray halka labada kalena yihiin dad rayid ah waxaa sidoo kale xarumaha caafimaadka la gaarsiiyey tiro dad ah oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Ila wareedyo Gaalkacayo ku sugan ayaa GO u xaqiijiyey in dadka dhintay uu qayb ka yahay nin lagu magacaabi jirey Cali Duulaa oo kamid ahaa kuwa ugu caansan hoggaamiyeyaasha burcadbadeedka Soomaalida.

Xaaladda koonfurta Gaalkacayo ayaa hadda degen, inkastoo weli aaggii uu maanta dagaalku ka dhacay laga maqlayo rasaas goos goos ah.

Dhanka kale, waxaa heegan sare la geliyey ciidamada Dowlada Puntland si looga hortago in kooxahaas burcadbadeedka ahi dhanka Puntland usoo gudbaan.

Micheal Scott Moore oo ah weriye Maraykan ah asalkiisuse uu Jarmal yahay, waxaa lasii daayey labo maalmood kahor kadib markii kooxo burcadbaeed ahi ay in ka badan labo sano iyo bar ku haysteen deegaanada Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa xaqiijisey in sii deynta Moore ay timid kaddib markii laga bixiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa 1.6 milyan oo doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM