Kooxda Al-Shabaab oo dishay sarkaal taageeray Daacish

Image

22 November, 2015(GO)-Waraka aynu ka helnay dadka degaanka iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in weerar gaadmo ah oo maleeshiyada ururka Al-Shabab ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey lagu dilay afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horey uga mid ahaa saraakiisha ururka Al-Shabab.

Sheekh Xuseen Cabdi Geedi iyo xubnaha kale ayaa la sheegay inay taageereen ururka Daacish ciidamana ay urursanayeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in Sheekh Xuseen uu ahaa hoggaamiyaha maleeshiyada ka baxday Al-Shabab ee taageerada u fidisay Daacish.

Hore waxa uu ninkaasi usoo noqday Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee ururka Al-Shabab. Sidoo kale waxa uu Al-Shabab uga soo shaqeeyey magaalada Kismaayo.

Faahfaahin badan lagama hayo afarta qof ee kale ee la dhintay Sheekh Xuseen Cabdi Geedi..

Xigasho:VOA

Related Articles

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM