​Ku dhawaad 200 Somalia ah oo ku dhintay badda

Image

QAAHIRA- Tahriibayaal Somalia ah oo doonayay inay gaaraan waddamada Yurub, ayaa ku qaraqmay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo dalka Masar, waxaana doontaasi saarnaa sida la xaqiijiyay 400 qof Somalia u badan.

Tirada dhimashada ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawdahay 200, waloow aan wali si rasmi ah loo shaacin.

Dadkan haligmay ayaa kusii jeeday dalka Talyaaniga, waxaana intaysan gaarin dagtay doontii ay la socdeen.

Baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay sawirro iyo magacyada dadka dhintay oo dhalinyaro u badan, waxaana ehelada qaybtood warbaahinta u sheegeen inay tahriibayaashan looga digay inay maraan wadadaasi halista badan.

Faadumo Abdi Diiriye waa mid kamid ah ehellada dadka ku dhintay badda, Seddax wiil oo qaraabadeeda ah, oo ayada kula noolaa magaalada Qaahira ayaa kamid ah dadka dhintay.

“Waan ogeyn waana uga digay laakiin qof illaa soomaaliya soo lugeynaayay oo soo maray Itoobiya, Sudan oo taagan badda lama celin karo," Ayey tiri Faadumo.

Masar, ayaa adkaysay xeebaheeda, kadib markii ay marin u noqotay qaxooti badan oo dalkaasi doonyo kasoo raaca iyagoo kasii aada dalka Talyaaniga.

Shakhsiyaad ka bad-baaday, ayaa la geeyay dalka Giriigga, waxaana la geeyay goobo caafimaad, sida uu BBC-da u sheegay turjumaan dalkaasi ku sugan.

Dhacadadan, waxaa tacsi ka diray madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Somaliland, waxayna sheegeen inay aad uga xunyihiin islamarkaana muhiim tahay in la sameeyo qorshe lagu joojinayo tahriibka.

Dhacdadan, ayaa kusoo beegantay xilli sannad laga joogay markii sidaan oo kale 800 ruux ku haalaagsameen marinkan loo maro waddamada Yurub, balse arrintaasi kuma waantoobin dhalinyarada quud-daraynaysa inay u haajiraan dalalkan ay doorbiyaan inay ka nolol wanaagsantahay tan taalla waddamada ku yaalla qaaradda Afrika gaar ahaan Somalia.

Dalalka qaxootigan u socdaan, ayaa ku jaahwareersan qaabkii laga yeeli lahaa qul-qulka qaxootiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM