Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya oo meel kale loo wareejiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulamada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga wareejiyay xarunta Gollaha Shacabka, xilli Xildhibaanada ay dhawaan doorteen Gudoomiye cusub.

Kulanka 7aad ee Kal-fadhiga 3aad ee Gollaha ayaa waxaa maanta uu ka dhacat Xarunta Villa Hargeysa, oo ku dhex-taalla Aqalka Madaxtooyadda, halkaasi oo si KMG ay ugu shaqeyn doonaan Xildhibaanada.

Maxamed Mursal, Afhayeenka cusub ee la doortay 30-kii bishii April ayaa maanta u ahayd maalin ugu dawan kuwii hore, isagoo shir gudoomiyay Kulanka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha Kulankii maanta ayaa ahaa Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, waxaana shirka soo xaadiray 140 Xildhibaan, oo kamid ah kuraasta Gollaha oo ka kooban 275.

Sababta loogu wareejiyay Kulamada Villa Hargeysa ayaa ah in dib u dhis iyo dayactir lagu billaabay Xarunta Gollaha Shacabka, oo ahayd mid bur-bur xooggan uu kasoo gaarey dagaalladii Sokeeye ee dalka.

Dib u dhiska ayaa la billaabey kadib markii dhawaan xilka uu iska-casiley Maxamed Cismaan Jawaari, oo laga keenay Mooshin dhaliyay Khilaaf Siyaasadeed oo mudo ku dhaw bil ka taagnaa Gollaha Shacabka.

Kulankii Maanta ayaa yimid kadib markii Gudoomiyaha Gollaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen shalay ay Xafiiskiisa ugu tageen Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo kawada hadleen dardar-gelinta wada-shaqeynta hay'adaha fulinta iyo sharci-dejinta. [Halkan ka akhri Warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM