Kulamadii beesha caalamka iyo madaxda DFS oo natiijo la'aan kusoo idlaaday

Image

November 10, 2014 (GO)-Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay natiijo la'aan kusoo idlaadeen kulamo gelinkii dambe ee shalay xubno ka tirsan beesha caalamku garoonka Aadan Cade kula yeesheen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowalada Federaalka.

Kulamadaas oo ujeedkeedu ahaa in madaxda federaalka cadaadis lagu saaro sidii khilaafka jira deg dega loogu dhameyn lahaa si horay loogu socdo, wax guul ah lagama gaarin maadaama labada mas'uul midba midka kale farta ku fiiqayo islamarkaana ku andacoonayo in dhankiisa wax ka khaldaneyn.

Diblumaasiyiinta ka socda beesha caalamka ee Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli shalay kulamada gaar gaarka ah la yeeshay waxaa kamid ahaa: Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty iyo Safiirka Britain ee Soomaaliya Niel Wigan.

Dhanka kale Nicholas Kay iyo qaar kamida h safiirada dalalka Midowga Yurub isla shalay magaalada Muqdisho kula shiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo labadiisa ku xigeen, waxay soo jeediyeen inaan lagu deg degin mooshinka qaar kamid ah xildhibaanadu ka keeneen Ra'iisul Wasaaraha, iyagoo taas u sababeeyey in hadii xukuumaddan la rido dhismaha xukuumad kale waqti dheer qaadan doono.

Beesha caalamka ayaa lagama maarmaan u aragta in si deg deg ah lagu xaliyo khilaafka jira, maadaama arimaha laysku hayaa yihiin kuwo aan sidaas usii buurneyn oo xal laga gaari karo hadii khilaafku sii jirana caqabad ku noqon karo qorshaha dowlada ee dhanka dib u dhiska dalka iyo weliba himilada sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM