Kulamo Xasaasi ah oo ku saabsan Mooshinka Jawaari oo ka socda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka soconaya Kulamo xasaasi ah, oo looga hadlayo Mooshinka Kalsooni kala noqoshada ee laga keenay Maxamed Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Gollaha Shacbak ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraya 70 oo la safan Jawaari ay kulan ku leeyihiin xarunta Gudoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, iyadoo Shir kaas ka duwan ay qaateen Guddiga Aqalka Sare ee xalinta Khilaafka.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa ku doodaya in Mooshinka uu meesha ka baxay, oo noqday mid ka gudbay mudadii loogu tala galay in Gollaha Shacabka lagu horkeeno, taasi oo ku beegnayda maanta, 28-ka Maarso.

Dhanka kale, hogaanka Aqalka Sare ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatey Cabdiweli Ibraahim Muudey, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka iyo Mahad Cadalla Cawad, oo ah ku xigeenka 2aad, iyagoo kala hadlay qaabka loo wajahayo Mooshinka.

Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in Kulanka la isku mari waayay labo arrimood oo kala ah; mudeynta cod u qaadista Mooshinka iyo in Ciidamada laga soo dul-qaado Xarunta Gollaha Shacabka.

Maanta oo Taariikhdu ku beegneyd 28-ka ayay ku ekeyd maalintii uu soo jeediyay Gudiga Aqalka Sare ee loo xilsaarey xalinta Khilaafka taagan in Mooshinka la horgeeyo Gollaha Shacabka, kadibna cod qarsoodi ah lagu kala baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM