Kulan ka furmaya Garbahaarey iyo wufuud gaartey

Image
Image
Image
Image

Talaado, September 23, 2014 [GO]- Waxaa maanta  gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo wafdi isugu jira Siyaasiyiin iyo Hoggaamiyayaal dhaqan oo ka qeyb gali doona shirweynaha wadatashiga dadka degan gobolka Gedo oo dhawaan magaaladaas ka furmi doona.

Wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Garbahaareey mas'uuliyiinta gobolka iyo ururada bulshada rayidka ah, waxayna dadweynaha kula hadleen  fagaare ku yaala bartamaha magaalada, iyaga oo tilmaamey in shirku uu noqon doono mid si wadajir ah dadku ugaga tashan doonaan aayahooda.

Guddoomiyaha Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa uga mahadceliyay xubnaha wafdiga safarka ay kusoo gaareen magaalo madaxda Gedo, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay qabsoomidda shirka wadatashiga ah ee bulshada gobolka isugu imaan doonto.

Sheekh Maxamed Yuusuf (Aw-libaax )oo ku hadlay afka xubnaha wafdiga ayaa sheegay in ujeedka ay u tageen magaaladaasi uu yahay sidii midnimada dadka gobolka Gedo looga wada qeyb qaadan lahaa islamarkaana wadajir loogu wajihi lahaa ka qeyb qaadashada shirarka dib-u-heshiisiinta ee  Kismaayo iyo dhamaystirka maamulka KMG ah ee Jubba.

Sidoo kale waxaa munaasabadda hadal ka jeediyey qaar kamid ah isimadii  wafdiga la socday, waxayna dhammaantood carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda uu shirku u leeyahay bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Wufuud kale oo isugu jirta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, madax dhaqameed iyo ganacsato ayaa la filayaa in iyaguna ay maalinta berri ah magaalada Garbahaareey gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM