Kulan ugu furmi lahaa Muqdishu madaxda dalka Somalia oo baaqdey
DEC 12, 2015 (GO)- Waxaa maanta baaqdey shir la faliyey in madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamulada Somalia isugu yimadaan kaasoo looga wada xaajoon lahaa qaabka ay u dhaceyso doorashada la filayo in Somalia laga qabto sanadka 2016.
Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in baaqashada shirkaan timid kadib markii madaxda dowlada Federaalka ku adkaatey iney nidaamka 4.5 ku qanciyaan kuwa maamulada Puntland iyo Jubaland.
Madaxda maamulada dowlada Puntland iyo Jubaland ayaa ilaa shaley 11 Dec,2015 ilaa xaley kala kulmey culeys farabadan oo siyaasadeed dadweyaha iyo waxgaradka kale ee reer Puntland iyo Jubaland ineysan aqbalin nidaamka 4.5 in lagu soo doorto Barlamanka cusub ee Somalia.
Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wararku sheegayaan in culeysyo farabadan kala kulmey waftiga la socda iyadoo horey shacabka Puntland dhinaca kale u go'aamiyeen in nidaamka degmooyinka oo kaliya lagu soo dooran karo Barlamanka Somalia sanadka 2016.
Dowlada Federaalka oo ay hurmuud u yihiin madaxweyne Xasan Shiikh, Gudoomiyaha Barlamanka iyo maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug oo dhinac ah ayaa ah siyaasiyiinta ugu culus ee dabada ka riixeysa in 4.5 lagu soo doorto Barlamanka soo socda ee Somalia.
Shirarkii hore ee Somalia ka dhacey (Garowe1,2) ayaa heshiisyadii lagu gaarey waxaa ku qoraa in Barlamanka dambe ee Somalia aan lagu soo dooran karin 4.5 halka Dastuuurka Somalia qodobkiisa 138 sheegayo in lagu dhaqmayo lana hirgalinayo go'aamada shirarkaas kasoo baxey.
"Waxaad moodaa in wax walba ka bilowdeen markii talada dalka la wareegeen madaxda hogaamisa dowlada Federaalka Somalia waqtigaan balse aysan jirinba heshiisyo iyo shirar hore oo Somalia laga soo qabtey kuwasoo lagaga baxey KMG, tan kale gudoomiyaha Barlamanka Somalia waxaad moodaa hab dhaqankiisa inuusan aqoonsaneyn gabi ahaanba in maamulo ka jiraan dalka Somalia" sidaas waxaa u sheegey GO mas'uul ka tirsan wafuuda ka qayb galeysa shirarka Muqdisho oo diidey magaciisa in aan xusno.
Dhinaca kale waxaa socda dadaalo madaxda dowlada Federalka ku ogoleysiinayaan madaxda maamulada Somalia [ Puntland iyo Jubaland] iney 4.5 qaataan kuwasoo kamid yihiin; 1- In aqalka sare ee Barlamnka Somalia la dhiso; 2- In maamulada hada jira iyagu nidaamka 4.5 ku soo xulaan xubnaha Barlamanka Somalia 2016 iyo qodobo kale.
Aqalka sare ee Barlamanka Somalia in la dhiso oo ku qoran Dastuurka Federaalka ee hadda jira ayaa go'aankiisa lagu gaarey shirarkii Garowe1,2 balse ma hirgalin kadib markii dowlada madaxweyne Xasan Shiikh ka gaabisay iney fuliso talaabooyinkii looga bixi lahaa muranka iminka taagan.
Wararka kale ee soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in miiska ay saaran tahay hadii madaxda Somalida isku waafiqi waydey qaabka doorashada u dhaceyso in dowlada Xasan Shiikh ee iminka jirta loogu daro sanad taasoo beesha caalamka waxba ka qabin.
GAROWEONLINE