​Kulanka Barlamanka Somalia oo buuq ku dhammaaday

Image

MUQDISHU- Kulan maanta isugu yimaadeen mudanayaal katirsan Barlamanka Somalia, ayaa hareeyay buuq iyo sawaxan kadib markii la isku fahmi waayay ajandaha laga doodayo maadama shalay la akhriyay moshin lagu joojinayo dhismaha maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellah dhexe.

Buuqa ayaa yimi kadib markii labo garab oo Barlamanka kamid ah, qolaba doc u taageertay mowqifkooda, waxaana ugu dambayn guddoonku ku dhawaaqay inuu xiranyahay fadhigu.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa xubin katirsan guddoonka Barlamanka Somalia ku eedeeyay inuu samaynayo mar-marsiiyo lagu joojinayo dooda laga dhismaha maamulka labada gobol ee shirkiisu Jowhar kasocdo.

Mudanayaal kale oo kasoo horjeeda doodan ayaa ku andacooday in tiro yar fowdo ka dhexwadaan fadhiga Barlamanka Somalia.

Maaha markii ugu horeeyay ee buuq hareeyo ajandayaal la keenay aqalka golaha shacabka Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM