​Kulanka Barlamanka Somalia oo buuq ku dhammaaday

Image

MUQDISHU- Kulan maanta isugu yimaadeen mudanayaal katirsan Barlamanka Somalia, ayaa hareeyay buuq iyo sawaxan kadib markii la isku fahmi waayay ajandaha laga doodayo maadama shalay la akhriyay moshin lagu joojinayo dhismaha maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellah dhexe.

Buuqa ayaa yimi kadib markii labo garab oo Barlamanka kamid ah, qolaba doc u taageertay mowqifkooda, waxaana ugu dambayn guddoonku ku dhawaaqay inuu xiranyahay fadhigu.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa xubin katirsan guddoonka Barlamanka Somalia ku eedeeyay inuu samaynayo mar-marsiiyo lagu joojinayo dooda laga dhismaha maamulka labada gobol ee shirkiisu Jowhar kasocdo.

Mudanayaal kale oo kasoo horjeeda doodan ayaa ku andacooday in tiro yar fowdo ka dhexwadaan fadhiga Barlamanka Somalia.

Maaha markii ugu horeeyay ee buuq hareeyo ajandayaal la keenay aqalka golaha shacabka Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM